Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Mudug iyo Dowladda oo ka hadashay

Diaayarad dagaal oo la rumeysan yahay inay leeyihiin Mareykanka ayaa Maanta duqeyn waxaa ay ka fulisay duleedka Magaalada Camaara ee koonfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmdug, halkaas oo saakay saacado kooban qabsadeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka DANAB ee Xoogga dalka ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday duleedka Camaara lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dagaalamayaashii weeraray deegaankaas.

Sidoo kale Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa tilmaamay in duqeynta diyaaradeed ee la fuliyey aysan wax khasaaro dhimasho iyo dhaawac kasoo gaarin shacabkii goobta ka Agdhawaa, waa sida hadalka u dhigeen Taliska DANAB.

Waxaa kaloo Saraakiishay ay sheegeen in howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug uu socon doono, isla markaana Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay Shabaabka ka saari doonaan Mudug.

Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah ku qaaday Saldhig Ciidamo huwan ah ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Camaara, waxaana weerarka kadib xigay dagaal xoogan oo Al-shabaab u suura-geliyay inay qabsadaan Magaalada, wallow ay dib uga baxeen halkaas.

Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmdug ayaa dib ula wareegay Camaara, iyadoona dagaalkii dhacay uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena shabaabka ay qaateen 14 Gaari oo laba kamid yihiin Tikniko.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor