Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Degmo ka tirsan Jubbada Dhexe

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradeed oo Saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay shalay gelinkii dambe ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, taasi oo ay fulisay diyaarad nooca duuliyaha aan laheyn.

Sidoo kale War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM laguma sheegin Khasaaraha ka dhashay duqeyntii Jilib.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay inay socdaan baaritaano ku aadan Khasaraha ka dhashay duqeynta, isla markaana ay dib faah faahin ka bixin doonaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media