Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degaan ka tirsan Mudug iyo Dagaal socda

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka oo Axad ah halkaas ay ka dhacday duqeyn ay fulisay diyaarad Mareykanka leeyihiin.

Duqeynta diyaaradeed ayaa ka dhacday duleedka deegaanka Qeycad ee Mudug oo ku dhow Xarardheere, isla markaana waxaa la sheegay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, sida lagu daabacay Wakaaladda SONNA.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa soo weriyay in duqeynta kadib uu deegaanka Qeycad ka bilowday dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab, kaasi hub kala duwan la isku adeegsanayo.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka iyo duqeyntii dhacday, hayeeshee aan weli si dhab ah loo ogeynta inta uu la egyahay khasaaraha, waxaana adeg in faah faahino dheeraad ah laga helo dagaalkaas oo weli socda.

Todobaadyadii ugu dambeeyay degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhacayay dagaalo dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, iyadoona dhinacyada ay guulo ka kala sheegteen dagaaladii dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor