Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddo muhiim ah oo dib u dhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha lagu sameeyay wadada Laamiga ee hormarta Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.

Wadadaan oo aheyd mid bur-bur ku yimid isla markaana dhibaato xoogan oo dhanka isku socodka ah ay ku qabeen shacabka ayaa muddo kooban lagu dhisay iyadoo laga jawaabayo cabashada Shacabka.
Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Dhismaha lagu sameeyay Wadadaan Laamiga ah isla markaana ay ugu shaqeyn lahaayeen Bilicda iyo Nadaafada.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Hogaamiyo Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u fuliyay Mashaariicyo badan oo dib u dhis loogu sameenayo wadooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho si ay shacabka ugu fududaato isu socodka isla markaana kaabayaasha dhaqaalaha uu dib usoo laabto. Iyadoona Qorshahaan uu qeyb ka yahay Horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor