Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray waddo muhiim ah oo dib u dhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xariga ka jaray Wado laami ah oo isku xirta Isgoyska Baar Ubax iyo Warshadda Taraqa iyo sigaarka Wadadaan.

Wadadaan oo isku xirta Isgoyska Baar-Ubax iyo Warshadda Taraqa ayaa aheyd mid aad u bur-bursaned muddo sanado ah ayaa waxaa uu Guddoomiye Cumar Filish horey u balan qaaday in la dhisi doono, iyadoona ugu danbeyn Maanta uu xariga ka jaray.

Sidoo kale Wadadaan ayaa muhiim u ahayd isku socodka gadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka degmada Howlwadaag ee Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo Munaasabada xarig jarka ka hadlay ayaa ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho ka dhabeynta balanqaadkiisa ahaa dhismaha wadadaan, iyagoona dhankooda balan-qaaday in ay ka shaqeyn doonaan Bilicda wadada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa inta uu Xafiiska joogo waxa uu dhisay waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah shacabka Gobolka Banaadir kuwaasi oo qeyb ka ah Qorshaha Horumarinta Caasimadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor