Duqa Muqdisho oo wafdi ka socday World Bank kala hadlay Arrimo muhiim ah

Guddoomiyaha Goboka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Wafdiga ka socday World Bank.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaamineysay  madaxa qaybta dib u dhiska magaaloyinka  Mrs Makiko Watanabe oo ay wehlinayeen hawlwadeeno sare oo ka socday Bankiga aduunka.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray dhameestrika wajigii koowaad ee mashruuca dib u dhiska jidadka gaar ahaan waddooyinka xaafadaha ee nuuca mar marka loo yaqaan Intar looga.

Waxaa sidoo kale looga wada hadlay bilaabista wajiga labada ee mashruuca dib u dhiska oo sanadkaan xal u heli doono arrimaha bulaacadaha Caasimadda Muqdisho.

Duqa Magaalada ayaa uga mahadnaqay Bankiga aduunka taageerada ay siiyaan magaalada Caasimadda ah waxa uuna dhankiisa u balnqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dadaalada dib u dhiska Caasimadda.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Unugyada heer Qatar iyo kuwa Gobolka Banaadir ee maamulida fulinta mashruuca dib u dhiska magaaloyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor