Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Somalia

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

Guddoomiye Cumar Finish iyo Safiir Nicolás Berlanga ayaa inta uu kulankooda socday uga wada hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerida mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda dalka  ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka iyo Safiirka ayaa sigaar ah iskula meel dhigay dhaqaajinta mashaariicda dhaqaalaha, dib-udhiska, iyo xalinta Maareynta Barakacayaasha iyo soo dedejinta shaqooyinka Midowga Yurub ka Wado Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa xubno ka tisan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Midawga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacya badan oo ay kamid tahay tababarrada ciidamada Booliska si sare loogu qaado awoodda iyo xirfadda sugidda amniga Shacabka Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media