Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qoysaska Dadkii lagu dilay Isgoyska Jubba

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii xalay laga laba ruux oo shacab ah oo uu toogtay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska.

Duqa Muqdisho ayaa qoysaskii uu la kulmay u sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu kafaala qaaday nolashooda, isla markaana dhawaan sharciga la horkeeni doono askarigii dilka geestay.

Labada Marxuum ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Madiina Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe, kuwaasi oo la dilay xili ay ku diyaarinayeen fulinta amarka Bandowga ah ee lagu soo rogay Caasimadda.

Taliska Booliska dowladda ayaa shaaciyay in xabsiga la dhigay Askarigii ka dambeeyay falkaas, isla markaana sharciga la horgeyn doono si loo marsiiyo cadaalada, iyadoo xilka qaadis lagu sameeyay Taliyihii Saldhiga Boolisla degmada Boondheere.

Dilka loo geystay labada Marxuum ayaa waxaa ka dhashay Banaanbaxyo xoogan oo xalay iyo saakay ay ka dhaceen Muqdisho gaar ahaan Degmada Boondheere, waxaana dadka dhigaayay Banaanbaxa ay ahaayeen kuwo aad u careysan.