Duqa Muqdisho oo ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo Al-shabaab

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Maqaayada Gelato Divino ee degmada Wadajir.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday Qaraxii xalay, wuxuuna falkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid argagax leh oo lagu laayay shacab Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah meel looga soo wada jeysto la-dagaalanka Al-shabaab, si shacabka Gobolka ay ugu noolaadaan nolal ku dhisan Xasilooni iyo horumar, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan Murugada iyo Tacsida la wadaagayaa Dhamaan qoysaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday dhacdadii waxuushnimada aheyd eek a dhacday Maqaaxida Gelato Divino. Si umadeena ay ugu noolaadaan nolal ku dhisan Xasilooni iyo horumar waxaa dhamaanteena waajib nagu ah inaan u midowno la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada oo Had iyo Jeerba caadeestay daadinta dhiiga dad Muslim ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Cumar Finish.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media