Duqa Muqdisho oo ka hadlay saameynta ka dhalatay Roobabkii da’ay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay roobabkii xooganaa ee maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay Caasimadda dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dadka.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa marka hore sheegay in Maamulka uu ku guuleystay maareynta goobo dhowr ay biyaha roobka fariisan jireen, isla markaana gaadiidka iyo dadweynaha dhibaato ku qabeen, balse la hagaajiyay.

Cumar Finish ayaa Ganacsada iyo dadka kale ee wax heysta ugu baaqay inay Gurmad u sameeyan qoysaska danta yar iyo dad kale ee masaaxiikiinta ee saameynta uu ku yeesho roobabka xiliyada ay da’aan.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa ku-xigeenadiisa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay shaqadii ay qabteen oo aheyd  biyihii roobka ee laga qaaday waddooyin muhiim u isku socodka gaadiidka iyo dadka oo biyaha xireen.

Hadalkaan ayuu Guddoomiye Cumar Finish ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay uu safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga, wuxuuna u mahadceliyay Mas’uuliyiintii Garoonka kusoo dhaweeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media