Duqa Muqdisho oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Gurigii soo dumay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Guri ku yaalla Degmada Xamarweyne ee Gobolka oo xalay soo dumay, kaasi oo ahaa dhismo qadiimi ah.

Guddoomiye Cumar Finish oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Guriga soo dumay uu ka koobnaa saddex dabaq oo ay degenaayeen qoysas dhowr ah, waxaana uu sheegay in dhismaha hoostiisa laga soo bixiyay dad dhowr ah oo ku hoos jiray.

Waxaa uu sheegay Duqa Muqdisho in waaxda Gargaarka Deg-dega ah ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan ay gurmad xoogan u sameeyeen dadkii dhismaha uu kusoo dumay, isla markaana dadkaas la badbaadiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu tilmaamay in 17 qof la soo badbaadiyay oo 5 kamid ah ay soo gaareen dhaawacyo, kuwaasi oo la dhigay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Muqdisho, si loo daaweyo.

Si kastaba dhismooyin horey oo qadiimi ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer soo dumay, kuwaasi oo ay deganaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media