Duqa Muqdisho oo ka hadlay Guddoomiyaha Cusub ee loo Magacaabay Sh/Hoose

Iyadoo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu Guddoomiye Cusub u magacaabay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa ka hadlay Magacaabistaas Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Cumar Maxamed maxamuud Cumur Filish Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hambalyo u diray maamulka Cusub ee loo magacaabay Gobolkaasi, waxaana uu sheegay Cumar Filish in Maamulka gobolka Banaadir waxa uu marwalba diyaar u yahay  xoojinta wadashaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Hoos ka Aqriso Qoraalka uu soo saaray Cumar Filish

Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan maamulka gobolka Banaadir waxaan u Hambalyey naaya Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Cabduqaadir Sheikh Maxamed Nuur (Siidii)

Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi iyo isdhaxgal bulsho oo aad u sareeysa, Maamulka gobolka Banaadir waxa uu marwalba diyaar u yahay  xoojinta wadashaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu danbeyn waxaan u rajeynaaya Guddoomiyaha cusub ee gobolka Suabeelaha Hoose Mudane Cabduqaadir Sheikh Maxamed Nuur (Siidii) in uu ilaahey u fududeeyo mas’uuliyada culus ee loo igmaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media