Duqa Muqdisho oo isla xisaabtan ku bilaabay Injineero dhisaya waddooyin

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo uu wehliye ku-xigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cabdi oo gudanaya waajibaadkooda shaqo waxa ay isla xisaabtan ugu tageen Injineerada dhisaya biyo qabad-weyn oo laga hergilanayo dhabarka danbe Dugsiga 21 octobar ee Degmada Waaberi si ay halkaasi ugu soo dhacaan Biyaha ka yimaada wadooyinka qaar ee Degmooyinka, Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu booqday wadooyinka qaar ee saameynta ku yeeshay Roobabkii ka da’ay Caasimada, asigoona kula xisaabtamay Injineerada horey u dhisay wadooyinkaasi bur-burka hada soo gaaray.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Injineerada dhisaya biyo qabadka weyn in xal deg-deg ah loo helo biyo roobaadka fadhiista wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa balan-qaaday in maalmaha soo socda marka la dhameeyo biyo-qabadkaan uu culeeska ka dagi doono Magaalada, asigoona sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay isku tashi iyo in xal loo helo Caasimada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media