Duqa Muqdisho oo Digniin u diray dadka caqabada ku ah Bilicda Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib-udhiska Buundada 1-aad ee Israac oo dhaxmarta degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab oo ay ka muuqato burbur.

Dhismaha mashruucan oo uu fulinaayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sida uu qorshuhu yahay lagu dhisidoona muda ku dhow 30-Cisho si loo muujiyo bilicda wadadan oo Halbowla u ah isku socodka degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Dhagax dhiga kadib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa digniin adag u diray cid kaste oo caqabad ku ah bilicda iyo dhismaha Wadada Buundooyinka, isaga oo fariin gaar ah u diray Shirkadaha iyo Gaadiidka Xamuulka ah.

Guddoomiye Cumar Filish oo la hadlaayay warbaahinta ayaa tilmaamay in tallaabo adeg ka qaadi doono cid kasta oo caqabad ku ah dhismaha waddooyinka Magaalada Caasimadda Muqdisho oo badi la dhisay, isla markaana laga wado olole nadaafdeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor