Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay wajigii 3-aad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta Degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada gaar ahaan wadada isku xirta Isgooska Boondheere iyo isgooska Siinaay oo ah wado aad u burbursan oo isticmaal keedana ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jirten.

Wadadan uu dhagax dhigay Duqa Muqdisho ayaa kamid ah wadooyinka ugu isticmaalka badan ee Caadimadda maadama uu ku yaalo Suuqa Weyn ee Siinaay oo kulmiso degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa dhowr jeer dhagax dhigay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolka Banadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media