Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Wadada Jubada sare dardaarana u jeediyay Bulshada Caasimadda

Guddoomiyaha Goboklka Banaaadir  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filsh) ayaa maanta dhagax dhigay Wadada Jubada sare oo Xiriirisa inta u dhexeysa Ex Hotel Jubba iyo 4-ta Jardiino.

Waddada oo ah mid aad u bur-bursan aaya waxaa dhibaato ku qaaby dadka shacabka ah ee isticmaala, gaar ahaan gaadiidleyda oo inta badan ku dhibaatooda Isticmaalka Wadada Jubada sare oo Xiriirisa inta u dhexeysa Ex Hotel Jubba iyo 4-ta Jardiino, wax ka badan 30-sano ayay ayaysan helin wax dayactir ah.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shacabka Degmooyinka Shibis iyo Boondheere kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan Nadiifinta Wadooyinka mara Degmooyinkooda kadib markii uu maanta.

Waddooyinka caasimadda ayaa intooda badan waxaa ay yihiin kuwo bur-bursan, waxaana bulshadua y ku rafaadaan xiliiyada Roobabka oo waddooyinka Caasimadda ay fariistaan Biyo aad u tiro badan oo qasba in qaar ka mid ah Waddooyinku ay xirmaan, waxana taasi ay dhibaato ku tahay bulshada ku nool Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media