Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha Xarun Taariikhi ah

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta taariikhiga ah Ex Baarlamaan ee degmada Boondheere.

Ujeedka dhagax dhigaan ayaa ahaa mid ay dowlada Hoose ee Xamar ugu talagashay in dib u dayactir iyo qurxin lagu sameeyo xaruntan si bulshada ay ugu soo dalxiis tagaan ugana bogtaan taariikhda goobtaan oo ah xaruntii Barlamaankii ugu horeeyay ee Jamhuuriyda Soomaaliya ee 196.

Munaasabadda dhagax dhiga dhismaha Xarunta taariikhiga ah Baarlamaankii hore ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Boondheere iyo Mas’uuliyiin  kale oo ka tirsan maamulka Gobolka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media