Duqa Muqdisho oo booqday waddooyin ay xireen Biyaha Roobkii da’ay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeeray qaar kamid ah goobihii uu sida gaarka ah u sameeyay Roobkii magaalada Muqdisho ka da’ay dhowrkii saac ee lasoo dhaafay.

Wadooyinka Caasimadda oo uu kormeerka ku tagay Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa ka socday howla ay dowladda hoose Xamar Biyaha uga saareyeen goobihii uu Roobka biya dhigay si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadooyinka Caasimadda.

Waddooyinka uu kormeerka ku tegay Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa kamid wadada 21-ka Octoober ee degmada Waaberi gaar ahaan halka ay biyaha ka fariisteen, una dhow Isgoyska KM-4, halkaas oo ay socdaan howlo biyaha looga qaadayo.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Waaxda Bulaacadaha iyo Agaasinka guud ee Bilicda iyo Nadaafada in la dar-dar geliyo howlaha biyo qaadista iyo Nadaafada Caasimadda Muqdisho.

Waddooyin waaweyn oo ku yaalla Magaalada ayaa Maanta waxaa xiray biyaha roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayey Caasimadda, waxaana arrintaas ay saameyn ku yeelatay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor