Duqa Muqdisho oo amar dul-dhigay Guddoomiyaasha degmooyinka

Wareegto kasoo baxaday guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa looga hadlay nadaafadda magaalada iyo hoos u dhaca ku yimid.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in wax laga bedelo degmooyinka gobolka Banaadir oo xilligaan uu tilmaamay in ay nadaafadoodu liidato isaga oo amar dul-dhigay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Wareegtada ayaa lagu yiri “waa in si dhaqsa ah guddoomiyaasha degmooyinku u abaabulaan kooxo ka shaqeeya hagaajinta bilicda caasimadda iyada oo dadka shacabka ahna la faray in ay guryahooda hortooda nadiifiyaan iskana diiwaangeliyaan shirkadaha qashinka ka qaada magaalada.

Wareegatada ayaa lagu sheegay in ay ganaax lacaged muteysan doonaan qofkii jebiya amarkaan lagasoo bilaabo xaafadaha ilaa goobaha ganacsiga eek u yaalla hareeraha waddooyinka magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media