Duqa Muqdisho “Ma aqbalayno Matalaad ka hooseysa tan Maamul gobaleedyada”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa ka qeybgalay banaanbaxyo lagu taageerayay arrimaha ku saabsan Matalaadda Muqdisho iyo maaq u sameynteeda oo maalmihii dambe si weyn looga hadal hayay dalka.

Isaga oo bolaal shacab ah kula hadlayay Isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in heerkaan uu soo gaaro qorshaha matalaada Muqdisho isaga oo tilmamaay in uu ka mahadcelinayo madaxweynaha Soomaaliya oo codsi ku aadan arrintaan hor dhigay aqalka sare.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in aysan ahey wax la aqbali karo in gobolka Banaadir lasiiyo matalaad ka hoosaysa tan maamul gobaleedyada.

“Gobolka Banaadir waxa uu u qalmaa matalaad ka miisaan iyo macna weyn tan lasiiyay maamul goboleedyada dalka ka jira” ayuu yiri guddoomiyuhu,isaga oo intaas kusii daray in dadka Muqdisho ay ku amaananyihiin in ay wax ka raadiyaan maqaamka iyo matalaadda magaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media