Duqa Muqdisho “Dad aan aqaan oo aan dalka ka bixin ayaa u dhintay Corona kuwana waa la il daranyihiin”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay caabuqa Corona iyo dhibaatada bulsho ee uu sababi karo hadii aan si wadajir ah looga wada hor tegin.

Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay in aan indhaha laga qarsan karin saameynta dalka uu ku ahayo xanuunka Corona waxaana uu sheegay in ay u dhinteen dad uu yaqaan kuwa kalana ay la il daranyihiin sida uu hadalka u dhigay.

“Hadii meel walbo la idinkaga fududeeyay in aad tiraahdiin waa been waxama kama jiraan taasi waa niyad jab waa dhab waa jiraa ma jiraan waxaan idinka sabanayno in aan been idiin sheegno”

Dhinaca kalan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulsgada in ay qaataan talooyinka caafimaad ee ay bixinayso wasaaradda caafimaadka wacyigelinta gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media