Duqa Magaalada Muqdisho oo farriin u diray laba Guddoomiye Degmo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray wadada xiriirisa xarunta Beerta Nabada ilaa isbitaalka Martiini oo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee burbursan.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in dhawaan waddooyinkaas burbursan uu ka fulin doono mashruuc dib loogu dhisayo wadada, si isticmaalkeeda ay uga faa’ideestaan bulshada iyo gaadiidleyda Muqdisho.

Inta uu kormeerka socday ayaa Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu faray maamulada degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne in ay qaataan kaalintooda ku aadan fududeenta dhismaha wadadaasi isagoo dhanka kale ka dhageestay warbixina quseeya caqabadaha jira.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u balan qaaday in maamulkiisa uu xooga saari doono dhismaha wadooyinka Caasimadda si kor loogu qaado bilicda iyo fududeenta isku socodka magaalada.