Duqa Boosaaso oo ka hadlay dagaalka ka socda Magaaladaasi

Duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari Cabdiqani Deera-dile ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay dagaalka ka socda magaaladaasi.

Waxaa uu sheegay in dagaalka Saaka ka bilowday Magaalada boosaasa ay ku lug leedahay  Dowladda Soomaaliyam, isagoo sheegay sheegay in Ciidanka Gorgor ay hoobiyeyaal ku garaaceen xaafado ka mid ah Magaalada,kuwaasi oo khasaaro gaarsiiyay dad shacab ah oo guryahooda ku sugnaa.

Duqa Boosaaso ayaa sidoo kale dagaalka, qaxa iyo xaaladda cakiran ee Boosaaso dusha ka saaray Taliyihii Xilka laga qaaday ee Ciidanka PSF ta.

Waxaa uu tilmaamay in  uu mas’uul ka yahay dadka waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkaasi iyo dadka danyarta ah ee guryahoodii isaga barakacay manta.

Waxaa sidoo akle uu carrabka ku dhuftay in ay jiraan kooxo shisheeye ah oo dagaalak hurinaya, oo gacan siinaya Ciidanka PSF ta.

Tan iyo markii xilkii laga qaaday Talihii Ciidanka PSF ta Puntland waxaa isi-soo tarayay iska hor imaadyada iyo khilaafka Cirka isku sii shareraya ee u dhexeeya Taliska PSF ta iyo Madaxtooyada Maamulka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor