Duq Magaalo oo Salaadaha Jameecada darteed Shaqada looga eryay

Raysal wasaaraha dalka Suudan ayaa shaqada ka eryay duqa magaala madaxda dalkaasi Khartuum, kaddib markii uu gaashaanka u daruuray amarka dowladda ee lagu mamnuucay isu imaanshaha goobaha diimaha, taasi oo looga gol-leeyahay ka hortagga faafidda xanuunka Covid-19.

Janaraal Axmed Abdun Hammad Muxammed ayaa diiday inuu meel mariyo go’aanka lagu mamnuucay salaadaha jameecada ee misaajiddada iyo isu imaanshaha kaniisadaha. Amarkaasi ayaa lagu waday inuu dhaqan-galo Sabtida berri ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media