Dubbe oo shaaciyay sababta Go’aankii uu ka noqday ee kireynta Maqaayada Tiyaatarka

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Maanta ka hadlay sababta keentay go’aankii uu ka laabtay ee marka hore ee uu ku kireeyay dibna ugu howlgeliyey Maqaayada Tiyaatarka Qaranka.

Wasiir Dubbe oo khudbad ka jeedinayay Munaasabad ka dhacday Xarunta Tiyaatarka ayaa waxaa uu sheegay in Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Suudaan uu xafiiskiisa ugu yimid, isla markaana u sheegay in Fanaaniinta Suudaan ay rabaan in Barnaamij qurux badan ay ku dhigaan Tiyaatarka.

Fanaaniinta dooneysa inay Barnaamijyo ku dhigaan Tiyaatarka Qaranka ayuu Wasiir Dubbe ku sheegay inay kamid tahay Nada Al-qalca oo kamid ah fanaaniinta aadka loogu jecelyahay dalka Sudan, iyadoo dhinaca kale haysato taageerayaal badan oo Soomaali ah.

“Waxaa ii yimid safiirka Suudaan inoo jooga oo igu yiri Fanaaniinta Suudaan ayaa raba inay Barnaamij qurux badan ku dhigaan Tiyaatarka oo ay ka mid tahay Nada Al-qalca,indhihii Caalamkaa kusoo jeeda ragna Geel bay rabaan inay ka dhax baafiyaan”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Warfaafinta Dubbe ayaa dhinaca kale sheegay in tiyaatarka uusan laheyn goob shaah iyo biyo laga cabo, isagoo xusay markii amray in Maqaayada tiyaatarka la howlgeliyo, hayeeshee si qaldan loo fasiray, kadibna uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku amray inuu dib ugu laabto tallaabadii dib u howlgelinta Maqaayada.

Si kastaba Golaha Abwaanada Qaranka ayaa siweyn uga horyimid tallaabadii Wasiir Dubbe ugu ogolaatay shirkad maxali ah inay Maqaayad uga hirgaliso dhul bannaan oo ku yaala dhismaha Tiyaatarka, wallow uu dib uga noqday tallaabadii uu qaatay Wasiirka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor