Dr: Jalaaludiin “Muqdisho waxa ay wajihi doontaa Todobaayo xanuun Badan oo dad badan uu soo rito cudurka Corona”

Dr: jalaaludiin Yuusuf Axmed oo ka mid ah saraakiisba sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka hadlay saameynta cudurka Corona ee gudaha Soomaaliya iyo walaaca laga qabo in uu bulshada kusii dhex faafo.

Waxa uu sheegay in Muqdisho ay wajihi doonto todobaayo anuun badan oo dad badan uu soo rito cudurka Coronavirus taas uu sheegay in ay muujinayso sida xowliga ah ee bulshada uu ugu dhex faafayo.

Dr Jalaaludiin “Muqdisho waxey wajahi doontaa todobaadyo xanuun badan dad badan buu so ridan doonaa Carona wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankood baaritaan baa la marsiiyey maadama 2 naga mid ah laga helay Natiijada wa arkeynaa “

Jamaaludiin waxu wareysi uu siiyay Warbaahinta Dalsan ku sheegay in sidoo kale qofka cudurka u geeriyooday loo dhaqi doonaa loo aasi doono habka hada ay dunida isla qaadatay iyadoo Shareecada la marsiinayo si dad kale loo badbaadiyo waxaan hada so diyaarinay dhamaan dadki uu marxumka la macamaaliyey oo ehel iyo asxaab la Ahaa oo booqanayey intu xanuunsanaa.

Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda fedraalka Soomaaliya ay shaaca ka qaadday in qof ka mid ah dadkii ku jiray maalmaha karantiilka Corona uu u geeriyooday xanuunkaas iyada oo 4-kiis oo cusubna xaqiijisay wasaaraddu.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media