Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.
Wasiirka iyo Safiirada ayaa ka wada hadlay siddii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalkaasi iyo siddii loo garab istaagi lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee wax-soo-saarka wadanka u dhoofisa wadamadaasi.
Waxaa kaloo laga wada hadlay dedaalada lagu horumarinayo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay dalalka caalamka iyo weli ba siddii loo xoojin lahaa xiriirada ganacsi ee Soomaaliya la lee dahay Itoobiya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ba.
Safiiradu, waxa ay carabka ku dhufteen inay ka shaqeyn doonaan siddii loo dhammeystiri lahaa heshiisyada ganacsi ee Soomaaliya iyo Suudaan iyo heshiiska Soomaaliya ee ka mid noqoshada Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) kuwaas oo hore loogga ansaxiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay xuseen in ay wadaan dedaalo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsi, iskaashiga dhaqaale, Maal-gashi iyo siddii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliya.