Dowladda Yemen oo Soomaaliya ka codsatay in loo sii daayo Kalluumeysato ku xiran Mudug

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Yemen ee ay QM aqoonsan tahay ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin xukunka lagu riday 31 Kalluumeysato Yemeniyiin oo Isbuucii hore lagu qabtay iyagoo ka jillaabanayo Xeebaha Somalia.

Wasaaradda Kalluumeysiga ee Yemen waxay ka codsatay Maamulka Puntland in la sii daayo Maxaabiistaasi oo lagu xukumay min 700 oo Dollar iyo in lala wareegay Doonyihii iyo Kalluunkii saarnaa.

Inkastoo Farriinta Dowladda Yemen ku socotay Maamulka Puntland, haddana Maxaabiistaasi waxaa xukun ku riday Maxkamadda Gobalka Mudug ee Maamulka Galmudug, iyadoo Kalluumeystadaasi laga soo qabtay inta u dhexeyso Xeebta Hobyo iyo Xarardheere.

Maxkamaddu waxay xukuntay 31 Kalluumeysi, halka 8 kale oo da’dooda aad u yarayd la sii daayey.

Dhinaca kale, Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Yemen waxay ka codsatay Maamulayaasha Soomaalida in la sii daayo Kalluumeystadaasi, laguna wareejiyo Doonyihii ay wateen.