Dowladda Turkiga oo shaacisay in ay  tijaabinayso Taangiyo Casri ah

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay bisha April tijaabo ku billaabi doonto taangiga lagu magacaabay Altay ee ah kuwa ugu casrisan ee adduunka lagu isticmaalo, kaasoo muddo sannado badan ay ay ku howlaneyd soo saaristiisa.

Ismaaciil Demir, oo ah madaxa warshadaha qalabka milatariga sameeya ee dalka Turkiga ayaa khudbad telefihsinka laga sii daayay Axaddii ku sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay farsameynta taangiga Altay, dhawaanna la tijaabin doono.

Culeyska ugu weyn wuxuu Turkiga ka heystay sidii loo heli lahaa Matoorka awoodda badan ee uu ku shaqeeyo taangigaas, horayna waxay isugu fahmi waayeen Jarmalka oo Turkiga saaray Cunaqabateyn dhinaca hubka ah.

Waxaa soo baxay warar sheegaya in hadda uu Turkiga matoorkaas ka iibsaday waddanka Kuuriyada Koonfureed, sidaasna ay ugu suuragashay inuu sameysto taangigan ugu muhiimsan ee loo adeegsado goobaha dagaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor