Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaawaqday in xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dowladda Kenya, xili maalmihii lasoo dhaafay xiriirka labada dal uu sii xumaanay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cusmaan Abuukar Dubbe oo si toos ah saqdii dhexe ee xalay Telefashinka dowladda uga hadlay ayaa sheegay in gebi ahaan dowladda ay si rasmi ah xiriirka ugu jartay Kenya, isagoo eedeyn u jeediyay.
Dowladda ayaa amartay diblomaasiyiinta Kenyaanka ah ee ku sugan gudaha dalka inay 7 maalmood gudahood uga baxaan Magaalada Muqdisho, waxaana diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi lagu amray inay dib ugu soo laabtaan dalka.
Shacabka Kenya ayuu Wasiirka Warfaafinta ku sheegay inay yihiin kuwa jecel xiriirka labada dal, hayeeshee dowladda Kenya ay faragelin ku heysto Arrimaha siyaasadda dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.
Go’aanka kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyada oo dowladda habeen horey Dacwad ka dhan ah dowladda Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, waxaana Dacwadaas laga yeelan doona kulan Deg-deg ah.