Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay Xaaladda Muqdisho, farriina u dirtay Ciidanka ammaanka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Bannaanbaxyada ka dhacaya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Ciidanka ammaanka oo la sheegay in ay awood u adeegsadaan dadka shacabka ah ee inta badan isugu soo baxa waddooyinka Magalada ‘

Wasiirka wasaaradda Aminiga Dowladda Soomaaliya  Xasan Xundubeey Jimcaale oo ka hadlay arrintaan ayaa farriin u diray Ciidanka ammaanka iyo dadka shacabka ah, waxaana uu sheegay in Ciidanku ay ka fogaadaan wax  waliba oo bulshada qal qal galin kara, sida in ay rasaas u adeegsadaan oo kale, waxaana sidoo kale dadka shacabka ah uu ugu baaqay in aysan Sameynin bannaanbaxyada rabshadaha wata.

Magaalada Muqdisho ayaa maal mahaan waxaa ka taagan Jahawareer siyaasadeed, iyadoo ay dhaceen bannaanbaxyo dowladda looga soo horjeedo, waxaana Ciidanka dowladdu ay inta badan  kala cayriyeen shacabka isugu soo baxay waddooyinka Magaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media