Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Majaajiliiste  Ajakis

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay geerida Alle ha u nariistee majaajiliistihii caanka ahaa Cabdi Muriiddi dheere oo ku Magac dheraa (Ajakis), kaasi oo goordhaweyd ku geriyooday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xsueen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumka.

Qoraal uu soo saaray RW Rooble ayuu ku yiri: “Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed”.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska  Cismaan Abokor Dubbe ayaa uga tacsiyeeyey Umada Soomaaliyeed Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timid Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajax).

“Ilaahay ha u naxariisto Cabdi Muriidi Ajakis oo kamid ahaa bahda Fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo goor dhoweyd ku geeryooday Muqdisho. Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeed na waan uga tacsidaynayaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Abokor Cismaan Dubbe.

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta.