Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay dad ku dhintay Kaniisad ku taalla dalka Masar

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dad ku dhintay kaniisad ku taallaa dalka Masar, waxaana Dowaladdu ay u tacsiyeysay shacabka reer Masar iyo dowladdaba.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kadib dhacdadii xanuunka badneyd ee subaxnimadii Axadda ka dhacday Kaniisadda Abuseveni.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa walaalaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, ka dib shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay dalka Masar subaxnimadii Axadda ee 14-ka Agoosto. Kaniisadda Abu Sefin ee ku taal Imbaba, ee Gobolka Giza, taasoo galaafatay nolosha Tiro muwaadiniin Masar ah, kuwo kalena ku dhaawacay.” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu yiri “ Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay si buuxda ula garab taagan tahay Jamhuuriyadda Masar khasaarahan weyn“

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DOWLADDA SOOMAALIYA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor