Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga kala hadashay dhismaha Xabsiyada dalka

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya Alberto Vecchi oo ay wehlinayeen Mas’uuliyiin Safaaradda dalkaas ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka Ciidan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii loo dardar-gelin lahaa taageerada dowladda Talyaaniga siiso Ciidanka dowladda ee isugu jira Booliska, Milateriga iyo Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Safiirka Talyaaniga sigaar ah uga wada hadleen sidii xoojin lahaa tababarada Ciidanka Asluubta iyo kordhinta dhismaha Xabsiyada dalka.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan ayaa Carabka ku dhuftay in Safiir Alberto Vecchi uu u balan qaaday inay wax ka qaban doonaan baahiyaha Taliska Ciidanka Asluubta oo ugu weyn yihiin dhismaha Xabsiyada, isagoona u mahadceliyay Safiirka.

Ugu dambeyn Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiga Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa dhankiisa sheegay inay garab taagan yihiin dowladda Federaalka, isla markaana ay wax ka qaban doonaan baahiyaha Ciidanka Asluubta, ayan xoojinayaan xiriirka labada Dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor