Dowladda Soomaaliya oo tallaalka COVID-19 gaarsiisay Koonfur Galbeed

Talaalkan oo looga hortagaayo Cudurka COVID-19, isla markaana ay ka faa’iideysan-doonaan in ka badan 30 kun qof oo ku nool 14ka degmo ee koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta magaalada Baydhabo gaarsiiyey Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka . Gudoomiyaha Gobolka iyo xubno ka socdey maamulka degmada Baydhabo ayaa si wadajir ah ula soo wareegey tallaalka oo lagu daah furi doono qaar kamid ah xarumaha Caafimaadka .

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda Degmada Baydhabo Yuusuf Barre Macalin iyo Guddoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow ayaa si isku mid ah ugu mahadceliyey Dowladda Soomaaliya oo tallaalka soo gaarsiisey Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Dr Xuseen Maxamed Daahir iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cismaan Jiidow ayaa tilmaamay in tallaalka ka hortagga COVID-19 la gaarsiin doono  bulshada kuwooda ugu nugul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor