Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab

Cusmaan Caddow Xaaji, oo  la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Maanta Isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusugan Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Ninkan oo lasoo bandhigay ayaa la sheegay  in uu  muddo dhowr sano ah ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo u qaabilsanaa qeybta jabhadaha iyo fulinta weerarada qorsheysan.

Sarkaalka lasoo bandhigay Maanta ayay Saraakiisha Ciidanku sheegeen in uu isagu qirtay ka qayb qaadashada  dagaallo dhowr ah oo  ka kala dhacay Gobolada Gedo, Baay iyo qeybo ka Mid ah Waddanka Kenya.

Guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow, ayaa sheegey in Cusmaan Caddow uu la soo goostay Qoray AK47 iyo Booshkiisa, isla markaana uu muddo ku dhumaaleeysanay degaanno ka tirsan degmada Diinsoor.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa si isdaba jog ah degaannada Koonfur Galbeed iska soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan lasoo bandhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor