Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay Qarax ka dhacay dalka Imaaraatka

Dowladda Soomaaliya Oo si adag u cambaareysay Qarax Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa si adag u  cambaareeyay weerarkii lagu qaaday magaalada Abu Dhabi.

“Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee  ka dhacay Abudubay, Anigoo ku hadlaya magaca dowladda FS, waxaan tacsi u dirayaa dhibanayaasha iyo

qoysaskooda. Falalka argagixisanimadu waxay khatar weyn ku yihiin amniga gobolka” ayuu yiri mudane Cabdisiciid.

Shalay ayay ahayd markii Qarax xooggan uu ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo khasaaro lixaadleh dhaliyay,w axaana inta la xaqiijiyay ku naf waayay Qaraxaasi 22 ruuux,halka tiro intaa ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor