Dowladda Soomaaliya oo shuruud adag ku xirtay in ay wada hadalka la furto Kenya  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Jabuuti kaga qeyb galay Shir-Madaxeedka 38-aad ee aan caadiga ahayn ee dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Warbaahinta qodobbadii kasoo baxay Shirka ee khuseeyay dalkeenna.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in urur Goboleedka IGAD ay cadaadis saareen Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Soomaaliya si gaar ah loogu cadaadiyay in ay wada hadal arrinta ku dhammeyso, xiisaddana ay dajiso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay oggolaatay in arrinta wada hadal lagu dhammeeyo, balse waxaa uu sheegay in ay Shuruud ku xireen oo ay dalbadeen in guddi loo saaro arrimaah ay ka dacwoonaysay Dowladda Soomaaliya ee ay la tag-tay shirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya, waxaana jira eedeymo xooggan oo loo jeediyay Kenya, waxaana ay faragalin siyaasadeed ku sameysay arrimaha Soomaaliya, iyadoo diblomaasiyiintii ku sugnaa dalka Kenya ay Soomaaliya u yeeratay, halka Kenya na ay la baxday Shaqaalaheeda iyo Diblomaasiyiintii kaga sugnaa Soomaaliya, kadib markii Soomaaliya ay ku amartay in dalka ay maalmo kaga baxaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media