Dowladda Soomaaliya oo Shiinaha kala hadashay tababarada Ciidamada

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane ayaa Magaalada Beijing kula kulmay Madaxa Jaamacadda Booliska ee dalka shiinaha Ma Jinqi

Laba mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka tababarrada Booliska ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo cilaaqaadka guud ee labada dowladood.

Danjire Cawaale Cali Kullane Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Safiirrada wadamada Caalamka ee ka howlgalaya dalka Shiinaha ayaa booqosho ku tagay xarumo amni iyo kuwa sharciga ee dalka Shiinaha.

Safiirrada ayaa booqday Jamacadda Booliska Shiinaha Xarunta dhowrista Sharciga iyo Waaxda Garsoorka amniga guud ee Beijing. Ujeedka boqashada oo ah sidii ay Safiirada dalalka Caalamka u arki lahaayeen sida Shiinaha u ilaaliyaan sharciga, ugana hortagaan dambiyada kala duwan ee bulshada.

Booqashada oo sidoo kale ay qayb ka ahaayeen qaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka socday hay’adaha dowliga ah ayaa waxa ay kulan la qaateen dhammaan Safiirada iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Guud ee dalka Shiinaha Mudane Wang Xiaohong.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor