Dowladda Soomaaliya oo shaacisay Deeq loo balan qaaday

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (C.Carab)  ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Waxbarshada dalka Masar Tariq Showqi iyo Wasiirka Tacliinta Sare ee dalka Masar khaalid Cabdul-Qafaar,  kuwaasi oo ay is afgarad buuxa ka gaareen waxyaabahii ay ka wada hadleen ee Iskaashiga tacliinta.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla go’aamiyay sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii Waxbarashada ee Masaarida maamulaan ee ku yaala gudaha dalka.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa loo ballan qaaday in deeqaha Waxbarashada la kordhin doono, gaar ahaan dhinaca Tacliinta Sare (Postgraduate), Sidoo kale Madaxda labada waddan ayaa isla soo qaadeen sidii loo xalin lahaa caqabadaha haysta ardayda Soomaaliyeed  ee wax ku barta dalka Masar.

Kulanka Wasiirka uu la qaatay dhigiisa Wasiirada Masar  ayaa waxaa ku wehliyay agaasimaha tacliinta Sare wasaaradda Waxbarshadda Xukuumadda Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ku-xigeenka u qeybsabaha Waxbarashada Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo lataliyaha Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor