Dowladda Soomaaliya oo Safaarad iyo Qunsuliyad cusub ka furaneysa Dal Carbeed

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse ayaa shaaciyay in dowladda Federaalka ay dhawaan safaarad iyo Qunsuliyad guud ka furameyso Magaalada Dakhla ee dalka Morroco.

Wasiir Abshir Cumar Haruuse oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Go’aan ku gaartay in safaarad ka furato magaalada Rabat iyo qunsuliyadda guud ee magaalada Dakhla.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dowladdaha Soomaaliya iyo Morroco uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan saaxiibtinimo iyo wadajir, wuxuuna intaas kusii daray in labada dal ay kala saxiixan doonaan qorshaha Iskaashiga.

“Soomaaliya waxay go’aansatey inay safaarad ka furato Rabat iyo Qunsuliyadda guud ee Dakhla,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya kulan uu la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda, iskaashiga Afrika iyo Morroco, Nasser Bourita, oo ka qeyb galay kulanka Qaramada Midoobay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor