Dowladda Soomaaliya oo Maanta gudbisay heshiisyo Caalami ah

Munaasabad ka dhacday maanta Xarunta  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo habka fogaan aragga uu uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) , Guy Ryder iyo saraakiil kale  ayaa si rasmi ah wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax uu ku gudbiyay toddobo heshiis.

Wasiir Duraan ayaa waxaa sheegay in hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO ay u gudbiyeen toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha, taasina ay tahay mid taariikhi ah, maadaama DFS hormuud ka noqotay toddobo heshiis.

“Waa dhacdo taariikhi ah, waxay Soomaaliya maanta hormuud ka noqotay toddobo heshiis oo caalami ah oo la xiriira xaquuqda Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Dadaal badan ayaan galinay,waana tallabo ka marqaati kacaysa sida ay nooga go’antahay xaquuqda iyo horumarinta Shaqaalaha.”

Heshiisyadan  maanta ay xareysay hay’adda caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ILO waxaa qeyb ka ah Caafimaadka iyo Bad-qabka Shaqaalaha, Xaq-dhowrka Shaqaalaha muhaajiriinta, la-dagaallanka dhibaateynta iyo handadaada Haweenka shaqeeya iyo iskaashiga saddex geesoodka, ee Dawladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha.

“Waa wax cajiib ah in Soomaaliya ay ansaxisay toddobo heshiis ee ILO.” ayuu yiri agaasimaha guud ee Hay’adda ILO, Guy Ryder  “ Tallaabadan waxay muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’antahay horumarinta nabadda iyo soo kabashada adkeysiga leh iyada oo loo marayo shaqo hufan.” ayuu raaciyay.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaaqadii bishii December ee sannadkii hore ansaxiyay toddobada axdi oo qeyb ka ah heshiisyada  urur-weynaha Shaqaalaha ee ILO,kuwaa oo muhiimad u leh ma’baadiida aasaasiga ah iyo xaquuqda Shaqada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor