Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlay Caafimaadka Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta, Agaasimaha Guud iyo lataliyaal iyo Madax kale ayaa hanaanka fogaan aragga kaga qaybgalay maalintii 3aad kalfadhiga 68aad ee Guddiga dalalka Bariga Mediterranean (RC68 Regional Committee for the Eastern Mediterranean countries).

Qeyb kamida kal-fadhiga waxaa shir guddomiyay lataliyaha Wasiirka Caafimaadka Prof. Maxamed Jaamac taasoo diirada lagu saaray Caafimaadka Aduunka iyo sida uu nabada iyo xasiloonda uga qeyb qaadan karo .

Dr. Fowziya Abiikar Nur ayaa Madasha ka jeedisay kalmada Soomaaliya ee Shirka taasoo aad u taabanaysay ka qeyb qaadashada Caafimaadka ee dhisidda nabadda, hormarinta bulshada iyo dhaqaalaha & sida Caafimaadka loogu adeegsan karo inuu noqdo “buundada nabadda iyo Xasiloonida.

Sidoo kale Wasiirada ayaa ka hadashay baahida Soomaaliya ay u qabto maalgelinta iyo dib u dhiska nidaam caafimaad oo adkeysi u leh bixinta adeegyada Caafimaadka Assaasiga ah xiliyada xaaladaha deg-dega ah lagu jiro ee ay kacsanyihiin dhibaatooyinka iyo xasaradaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor