Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shil ka qabsoomay Magaalada Istambul

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS ee xilgaarsiinta, Eng; Khaliif Cabdi Cumar ayaa magaalada Istambul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay madasha 3-aad ee dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Turkey-Afrika (3rd Turkey – Africa Economic and Business Forum).

Shirkan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, Ganacsato iyo quburo xagga dhaqaalaha ah oo ka kala socota dowladda Turkiga iyo qaar ka mid ah waddamada Afrika ayaa lagu gorfeeyay kobcinta dhaqaalaha iyo dar-dar gelinta maal-gashiyada labada dhinac.

Eng; Khalliif Cabdi Cumar, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda ee xilgaarsiinta oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan kulamada noocan ah ee lagu faaqidayo arrimaha dhaqaalaha.

Wuxuuna wasiirku xusay inay iskaashiga xagga ganacsiga iyo dhaqaalaha ay Soomaaliya leedahay Turkiga uu yahay mid aad u sarreeya loona baahan yahay in sare loo sii qaado.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor