Dowladda Soomaaliya oo ka qayb gashay shir Caalami ah

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti uu hoggaaminaayo, ayaa maanta ka qeyb-galay shirka dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada ka jira caalamka oo si rasmi ah uga furmay caasimada Beldgrade ee wadanka Serbia.

Shirka oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 105 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo wufuud kale oo caalami ah, sidoo kale na socon doona muddo laba maalmood ah oo Madaxda ka soo qeyb-gashay ay khudbado ka jeedin doonaan, ayaa lagu xusayaa sanad-guurada 60aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas-aasay dhaq-dhaqaaqan oo ay Soomaaliya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor