Dowladda Soomaaliya oo ka Jawaabtay Hadal kasoo yeeray Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jwaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Xisbiyada Mucaaradka kaasi oo ku aaddana Guddiyada Doorashooyinka eek a shaqayn doona doorashada soo aaddan ee la filayo in ay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka soo aaddan.

Ra’iisul wasaare ku Xigeenka Dalka Mahdi Maxmed Guuleed Khadar ayaa ka jawabay hadalada dhaleecaynta ahaa e kasoo baxay Xubnaha Mucaaradka ah, waxaana uu sheegay Mahdi Guuleed in aysan sal iyo raad toona lahayn waxyaabaha ay sheegayan Xubnaha mucaaradka eek u aaddan in Guddiyada la magacaabay eek a shaqaynaya doorashada ay u badan yihiin Xubno ka tirsan Hay’adda NISA iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Waxaa uu sheeegay in arrintasi ay tahay Ceebayn lagu sameynayo guddiga oo ay sameynayaan Xubnaha Mucaaradka ah, kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayaan in ay sawir Qaldan ka bixiyaan Guddiga.

Mahdi Maxmed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay  in Dowladdii Xasan Sheikh Guddigii ay magacawday ay ku badnaayeen Xubno ku xirnaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaah, waxaana uu sheegay in marka la is-bar-bardhigo ay Dowladdaan ku yar yihiin Xubno ka shaqeeeya Xafiisyada Dowladda.

Mucaaradka ayaa dhawaan dhaliilay Xubnaha la magacaabay, waxaana ay si gaar ah ugu dhaliileen Xubnaha in ay ka tirsan yihiin Ha’adda NISA.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media