Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkii iyo Bannaanbixii ka dhacay Baladweyne

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo la doonayo in wax looga qabto Rabshadaha iyo khilaafka Siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Magaalada ku sugan Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax.

Wasiirka oo shalay gaaray Baladweyne ayaa kulamo kala duwan waxaa uu la qaatay Qaybaha kala duwan e bulshada reer Hiiraan, waxaana inta badan kulamadas lagu lafa guray arrimaha ka taagan Gobolka.

Shirjaraa’id oo uu qabtay Wasiiirka Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa uu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Odayaasha uu la kulmay, waxaana uu sheegay in ay isla meel dhigeen Qodobbo dhowr ah oo quseeya xaaladda Gobolka Hiiraan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Mukhtaar Xuseen Afrax in ay u dhiman yihiin kulamo waaweyn oo uu la qaadan doono Odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan.

Magaalada Baladweyne ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya Jabhadda hubeysan ee General Xuud iyo Ciidanka Dowladda, waxaana xigay bannaan bax ballaran oo ay dhigeen bulshada reer Baladweyne oo ay kaga soo horjeedaan Maamulka Cusub ee Hir-shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media