Dowladda Soomaaliya oo heshiisiiyay labo beelood oo walaalo ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mukhtar Xuseen Afrax ayaa maanta isku keenay laba beelood oo wax kale tabanayay oo kuwada nool Gobolka Hiiraan.

Odayaasha labada beelood  oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin in ay si nabad ah uga heshiiyaan colaadii iyo waxyaabihii labada beel kala dhexmaray dhawaanahan.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo waxgarad kale oo ka tirsan labada beelood ee walaalaha ah.

Hawshaan dib u heshiisiinta ee la kala dhexdhigay beelaha walaalaha ah ee wada degan Gobolka Hiiraan waxa ay qeyb ka tahay da’daallada nabadda iyo Dib u heshiisiinta oo dhawaanahan Wasiirku uu ka waday Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu baaq nabadeed u diray beelo walaalo ah oo colaad ku dhexmarayso deegaanno u dhaw degmadd Matabaan ee Gobolka Hiiraan, isagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo colaadda wadahadal degdeg ahna la isgu yimaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media