Dowladda Soomaaliya oo Gudoontay deeq talaalka Covid-19 ah

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa deeq ah talaalka Covid-19 ee Sinopharm ka gudoontay xukuumadda Shiinaha, taas oo ah 500,000 oo xirmo.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya yaa sheegay, in deeqdaa Shiinuhu ay gacan ka geysan doonto ka hortagga nooca cusub ee fayraska Corona ee Omicron.

Wasaaradda ayaa sheegtay in deeqdan tallaalka ah ay qeyb ka noqoneyso dedaallada ay wasaaradda caafimaadka ku sii xoojinayso ka hortaga fiditaanka fayraska Corona.

Wadamada kale ee deeqdaa tallaalka ah ee Shiinuha gaaray waxaa iyana ka mid ah dalka Jabuuti oo isna la gaarsiiyay deeq intaa laeg oo isla talaalkaa Shiinuhu sameeyo ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor