Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa ka warbixiyay safarka Ra’iisul wasaaraha ee Kenya xilli ku wajahan yihiin dalkaas.
Wuxuu sheegay in booqashada Ra’iisul Wasaaraha ay ka bilaabaneyso magaalo xeebeedka Mombasa halkaas uu kula kulmi doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
“Safarkan inta aan ku jirno kama mid aha in laga hadlo arrimaha khuseeya badda oo ah kiis ay maxkamadda go’aankeeda sii deyn doonto” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.
Kadib Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu u gudbi doonaa magaalada Nairobi si uu tego safaaradda iyo kulan uu la yeelan doono jaaliyadda Soomaalida ee Kenya.